War Degdeg ah: Meydka Maxamed Sinwaar oo la helay – Hoggaamiye sare oo ka tirsan Xamaas
Type Here to Get Search Results !

War Degdeg ah: Meydka Maxamed Sinwaar oo la helay – Hoggaamiye sare oo ka tirsan Xamaas

Maxamed Sinwaar


Warar is khilaafsan oo ka soo baxay ilo kala duwan ayaa sheegaya in la helay meydka Maxamed Sinwaar, oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha ugu muhiimsan ee ururka Xamaas, isla markaana hoggaaminayey dagaalyahannada gudaha ee Xamaas ee ku sugan marinka Qasa. 

Waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhintay weerar ay Israa’iil fulisay Talaadadii toddobaadkii hore, kaasoo ka dhacay koonfurta Qasa.

Sidoo kale, wararka waxay sheegayaan in la helay meydadka 10 xubnood oo kale oo ka tirsan Xamaas, oo uu ku jiro madaxii guutooyinka hubeysan ee Xamaas ee magaalada Rafax.

Dhinaca kale, weerar kale oo gaar ah ayay Israa’iil ku dishay walaalka Maxamed Sinwaar, taasoo la micno ah in tan iyo dhammaadkii sanadkii 2024, ay Israa’iil dishay saddex ka mid ah walaalaha Sinwaar, oo uu ku jiro Yaxye Sinwaar.

Tags

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.

Below Post Ad